XOG HOOSE: KULANKA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WARBAAHINTA HAWIYE

XOG HOOSE: KULANKA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WARBAAHINTA HAWIYE

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan qarsoodi lagu sheegay la qaatay agaasimayaal ka tirsan warbaahinta gudaha oo ay isku beel yihiin kuwaasoo uu ka codsaday in qaab qabiil lagu taageero dowladdiisa.

Kulankan oo Arbacadii ka dhacay Villa Somalia ayaa si gaar ah loogu casumay agaasimayaasha warbaahinta ee ka soo jeeda beelaha Abgaal iyo Habargidir oo kaliya. Waxaana ujeedkiisu ahaa in si qarsoodi ah ay ula kulmaan madaxweynaha. Balse waxaa markii uu kulankan dhacay bannaanka u soo baxay xogta ku saabsan waxyaabihii looga hadlay kulankan oo laga qariyay warbaahinta aanan ku qabiilka ahayn kooxda la casumay.

Sida aan ku helnay xogta kulanka oo ay noo sheegeen qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha iyo dad si dhow ula socday kulanka, wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku guubaabiyey saxaafadda kasoo jeeda beelaha Hawiye – gaar ahaan kuwa Abgaal iyo Habargidir inay difaacaan dowladda Xasan Sheekh oo sida madaxweynuhu sheegay “qabiilo kale ay duulaan ku yihiin”.

Xasan Sheekh oo agaasimayaasha kala hadlay dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ee al-Shabaab ayaa ku tilmaamay mid u gaar ah dhulka Hawiye oo kaliya, isagoo ku eedeeyay beelaha Daarood, Dir iyo Raxanweyn inaysan rabin dagaalka oo sida uu sheegay uusan dhulka ka maqneyn. Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdii ay dooneyso inay xoreyso dhulka HAWIYE, waxbana uusan ka khuseyn dhulka ay degaan beelaha kale.

‘Waxa dhimabaya waa anagga. Waxa lacagta laga qaado waa anagga. Dekedda iyo garoonka Muqdisho oo canshuurta dowladda laga soo xareeyo waxaa iska leh Hawiye cid kale oo nala leh ma jirto. Marka waa inaan dhulkeenna ka xoreysanaa al-Shabaab. Adinka oo saxaafadda ahna waa inaa taas nagu taageertiin,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay madaxda warbaahinta beelaha Abgaal iyo Habargidir ee uu la kulmay Arbacadii.

Arrintan ayaa yaab ku noqotay dadkii maqlay iyadoo xildhibaanada u codeeyay doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku jireen kuwo kasoo jeeda beelaha Daarood, Dir iyo Raxanweyn oo ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, wuxuu Xasan Sheekh ka codsaday in warbaahinta ay leeyihiin Hawiyaha si gaar ah loogu difaaco dowladdiisa isagoo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu adeegsan jiray kooxo baraha bulshada ka taageera, oo sida uu yiri, u badan Daaroodka.

Wuxuu sheegay Xasan Sheekh in haddii hadda ay taageeri waayaan dowladdiisa ay qasab noqon doonto in markale nin Daarood ah uu madaxweyne ka noqdo Muqdisho oo ay deggan yihiin Hawiyaha, sida uu sheegay.

ARRINTA WERIYE CABDALLE MUMIN

Xasan Sheekh oo soo hadal qaaday arrinta xarigga Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliya ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin, ayaa xusay inuu la socdo kiiska balse uu doonayo in la xalliyo. Wuxuuna intaa ku daray in weriye Cabdalle Mumin uu diiday in hab qabiil u uku taageero dowladda Xasan Sheekh Maxamuud maadaama beesha Gaaljecel oo uu weriye Cabdalle Mumin kasoo jeedo ay ka tirsan tahay Hawiyaha.

Qaar ka mid ah saxafiyiinta ku sugan Muqdisho oo aan weydiinay dareenkooda ku aaddan kulankan iyo ereyada madaxweynuhu adeegsaday ayaa nasiib darro ku tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh oo horey loogu yaqaanay beegsiga saxafiyiinta madaxa-bannaan inuu hadda agaasimayaasha warbaahinta u kala qeybiyo hab beeleed isagoo faquuqayo qaarkood ooh ab qabiil lagu beegsanayo halka qaar kalana hab qabiil loo soo dhoweynayo, taasoo halis ku ah rajadii laga qabay Soomaali isku calool fiyow oo dhab u heshiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.