XOG : Khilaaf ka taagan  doorashada Guddoonka Guddiga Dastuurka

Muqdisho (Raxanreeb ) Xog ay heshay RBC ayaa sheegaysa in  Khilaaf  uu ka taagan yahay doorashada guddoonka guddiga dastuurka ee labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

khilaafka ayaa la sheegayaa inuu  salka ku hayo  shaqsiga loo dooranaya Guddoomiyaha guddiga dastuurka ee labada gole.

Dhowr mar ayay baaqatay doorashadaan oo la rabay in ay ka dhacdo  xarunta aqlka sare ee magaalada Muqdisho.

Senator Cabdi qeydid oo doonayay in uu u tartamo guddoomiyaha guddiga dastuurka ayaa loo diiday in uu xilkaasi u tartamo kadib cadaadis xoogan oo ka yimid dhanka Madaxtooyada Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helay madaxtooyada ayaa waxa ay wadataa mid kamid ah xubnaha guddiga kaas oo ay ay doonayso in loo doorta gudoomiyaha guddiga dastuurka.

Isbuucii aan soo dhaafnay ayaa waxa xubinimada guddiga iska casilay senator Cabdiqaydiid Xasan Cawaale Qaybdiid isaga oo booskiisa lagu badalay Senator Samsam.

Ilaa hada waxaa qabsoomi la dooorashada guddoonka  guddiga, waxaana ka taagan shaki badan oo ku saabsan in Villa Soomaaliya ay u doonayso in Guddoomiyaha loo doorto xildhibaan Xuseen Iidow oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.