XOG : Wax adan ogayn oo jira duleedka magaalada Muqdisho xog nala siiyay

Home » XOG : Wax adan ogayn oo jira duleedka magaalada Muqdisho xog nala siiyay

Muqdisho ( Raxaneeeb ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa duleedka magaalada Muqdisho si joogta ah uga fuliyay howlgal la sheegay in amaanka ay ku sugayaan oo dad badana lagu soo qab- qabto.

Laakiin waxa cusub ayaa  ah in marka howlgalada ay socdaan la soo qab qabto dadka tuhmanayaasha ah in ka hor inta aan gayn saldhigyada lagu xojeeyo waalidiintooda in ay bixiyaan lacag.

Waalidiinta qaar oo RBC la hadlay  ayaa sheegay in ay soo noq – noqday dhacdooyinka ciidanka lacagta ay ugu qaadanayaan waalidiinta.

” Aniga waxa bixiyay lacag si aan u soo daysto wiilkayaga oo lagu qabtay howlgalka ciidanka ay samaynayaan xili habeen ah ayaa la qabtay subixiina lacag ayaa ku soo daayay ” sidaas waxaa RBC u sheegay mid ka mid ah waalidiinta.

Waxaa jira waalidiin badan kuwaas oo askarta Dowladda ay ka qaateen lacag si caruurtooda oo lagu soo qabtay howlgalada ciidanka Dowladda ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.

Si kasta tani ayaa waxa la saadalinayaa in ay keeni karto natiijo aan la mahdin oo dhanka amaanka ah oo waxaa suurtagal ah oo dhacdayba in lacag lagu sii daayo dadka dambiilayaasha ah ee la doon doonayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.