Washington” Lama ogolaan karo waxa ka sii socda Laascanood “

Washington ( Raxanreeb ) Dowladda Maraykanka ayaa war uu soo saaray waxaa uu kaga hadlay xaaladda ka taagan magaalada Laascanood ee gobolka Sool , halkaas oo maalintii shanaad dagaal uu ka soconayo.

Xafiiska Arrimaha Afrika u qaabilsan Waaxda arrimaha dibeda ee Maraykanka war ka soo baxay ayaa lagu canaantay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascanood waxaana loogu baaqay in si deg deg ah loo joojiyo waxa socda.

“Duqaymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah ee Laascaanood waa wax aan la aqbali karin waana in la joojiyo”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika.

Intaas waxaa la raacsiiyay qoraalka Dowladda Maraynkanka ka soo baxay in muhiim ay tahay in la joojiyo dagaalka wax kastana laga hormariyo danaha dadka rayidka ah ee magaalada ku nool .

Waxa sidoo kale Xafiiska Arrimaha Afrika u qaabilsan Waaxda arrimaha dibada ee Maraykanka uu sheegay in la ilaaliyo oo la damaanar qaado in gurmadka si nabadgalya ah uu ku gaaro dadka u baahaan kaalmada Bani’ aadanimo.

Si kasta 50 qof oo ay ku jiraan caruur haween iyo dad kale oo shacab ah ayaa laagu dilay dagaalka shanta maalmood ka socda Laascanood, waxaana ku dhaawacmay dad ku dhow 150 kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.