XAL LA’AAN : Maalintii 5aad oo dagaal uu ka socdo Laacanood

Laascanood ( Raxanreeb ) Dagaalka ka socda magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxa uu galay maalintii shanaad halkaas oo laga maqlayo rasaas xoogan.

Dagaalkan ayaa ka danbeeyay markii kooxaha Kacdoonka weerar ay ku qadeen saldhig ciidanka Somaliland ay ku leeyihiin duleedka magaalada Laascanood.

Dagaalka saaka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday iilaa saddex ruux oo labada dhinac ah, waxaana la sheegaya in ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayeen magaalada.

Goor sii horeysay  dagaalka ayaa galay wax xooga hakad ah ,  laakiin saaka oo Jimca ah markale ayuu ka qarxay duleedka magaalada halkaas oo marar badan dagaalo ay ka dhaceen.

Lama oga halka ay wax ku dabeyn doonaan maadama aysan jirin dadaalo muuqanaya oo wax lagaga qabanayo xaalada magaalada Laascanood oo ka sii daraysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.