Xog & Xaqiiqo :  Shirqoolkii Ceeldheer – Maxaa dhacay ?

Xog & Xaqiiqo :  Shirqoolkii Ceeldheer – Maxaa dhacay ?

Muqdisho (Raxanreeb )- Xilli hiraaboodkii shalay (Sabti) waxay Shabaabku weerar afar dhinac ah ku qaadeen deegaanka Ceeldheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Waxaa hadda soo baxaya xog muujineysa qaabka weerarku u dhacay, khasaaraha iyo sida loo shirqoolay askarta isugu jirtay ciidamada Turkigu iyo Masar tababareen, qaar ka haray ciidankii laga keenay Eritrea iyo Macawiisley.

Xogtan waxay ku saleysan tahay wareysiyo aan la yeelanay qaar ka mid ah askarta ka badbaadday weerarka, dad madax-bannaan. Waxaan sidoo kale dib u soo akhrinnay sheegashooyinka dhanka Dowladda iyo kooxda Shabaabka.

Ciidanka ku sugnaa Ceeldheer waxay qeybta u danbeysay halkaa gaareen bishii Abril 2024.

Marka loo fiiriyo halka ay ku taallo Ceeldheer, waxaa muddo taagnaa walaac ay muujinayeen ciidamada oo ah in meeshu ay go’doon tahay, gurmadna aan la heli karin haddii lasoo weeraro. Deegaanka Mareeg oo dhanka xeebta saaran (aadna uga fog) marka laga yimaado, waxaa Ceeldheer ugu soo dhow Masagawaa (ama Masaga Weyn).

Xogta ah in weerar Shabaabku soo wadaan waxay soo baxday ugu yaraan 24 saac ka hor Sabtidii (qiyaastii maalinkii Jimcaha waa la wada ogaa).  Ma jirin wax qorshe ah oo looga hortagayo.

Askarta iyo saraakiisha nala hadlay waxay xaqiijiyeen in taliska Masagawaa, oo ugu dhowaa, aysan u soo gurman markuu weerarku bilawday. Sababta waxaa lagu sheegay labo qodob: 

(1) ciidanka Masagawaa oo markii hore u heystay in iyaga weerarka ku soo socdo sidaasna difaac ku ahaa; (2) iyo Shabaabka oo jidka xiray, una diiday in loo gurmado Ceeldheer.

𝐃𝐫𝐨𝐧𝐞-𝐭𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐞𝐲 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐪𝐧𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in habeenka weerarka Shabaabka soo qaadeen ay baaqatay diyaaradda drone-ka Turkey oo sameyn jirtay sahan khabar-doon ah (surveillance) lagu ogaan karo dhaqdhaqaaqa Shabaabka. 

Askarta waxay noo sheegeen in drone-ku ay iman jirtay habeen dhaaf, weerarkana lagu soo beegay habeenkii ay maqnayd. Taasi waxay muujineysaa in ugu yaraan Shabaabku xog fiican haysteen kahor weerarka.

𝐒𝐢𝐝𝐚 𝐰𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐮 𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚𝐲

Weerarku wuxuu ku bilawday qaraxyo (sida aalaaba dhacda), oo ay xigeen ciidan qoryaha culus iyo kuwa fudud wata (foot soldiers). Waxay si isku hal mar ah u weerareen afarta saldhig ee ciidanka ku kala sugnaa; saddex magaalada dhexdeeda ah iyo mid bannaanka ku yaalla. Taasi waxay abuurtay xaalad askarta magaalada gudaheeda joogta iyo kuwa bannaanka jooga isugu gurman waayeen.

Lama yaqaano tirada rasmiga ee Shabaabka weerarka soo qaaday, balse askarta soo badbaaday waxay sheegeen in rag aan ka yarayn 200 ay weerarka fuliyeen. Tirada ciidamada ku sugnaa goobta oo lagu daray Macawiisleyda waxay kor u dhaafayaan 1000 nin. Waxaase khasaare baaxad leh sababay qaraxyada oo askar badan galaaftay, difaacyadana dumiyay.

𝐊𝐡𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

Tiro iskhilaafsan ayaa soo baxaysa. Dowladda iyo Shabaabka ayaa mid kasta sheegaya tirooyin is khilaafsan. Hase ahaatee, soo badbaadayaasha iyo dad deegaanka waxay sheegeen in khasaaraha dhimasho iyo dhaawac uu badan yahay.  Waxaa jirta askar nolol ay ku qabsadeen Shabaabka.

Khasaaraha waxaa ku jira gaadiid ay gubeen Shabaabka oo ahaa kuwa gaashaaman, kuwa ciidamada qaada, booyado, Cabdi Bileyaal iyo hub iyo raashiin ay qaateen. Tirada gaadiidka 20 – 30 ayaa lagu qiyaasayaa. Sawirro muujinaya gaadiidka waxaa shalay faafiyay Shabaabka.

Su’aalaha hadda ay is weydiinayaan ciidanka soo fakaday ayaa ah sida xogta ka jirta Ceeldheer ku heleen Shabaabka? Yaa bixiyay amarka inaan loo gurman Ceeldheer? maxaa heley gurmadkii Xamar laga filayay, gaar ahaan drone-ka? Yaa ka danbeeyay in ciidanka la geeyo goobta go’doonka ah iyadoo aanan qorshe gurmad loo heyn? mase jiri doontaa cid lagula xisaabtamo shirqoolkan?

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin

Leave a Reply

Your email address will not be published.