XOG | Xasan Sheekh oo waqti badan ku bixin doono qancinta Beelaha

XOG | Xasan Sheekh oo waqti badan ku bixin doono qancinta Beelaha

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  Villa Soomaaliya ka bilaabay qacncinta beelaha qaar ee diidan maamulkiis ,  iyo  habkasaamiga Dowladda ee beelaha ee Dowladda uu hoggaamiyo.

Talaabooyinkan waxa ay ka danbeeyeen ka dib markii magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan ay uga dhaceen shirar beeleedyo intooda badan lagu diidan yahay maamulka sanadka ka yar dhisan ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar aan helnay ayaa sheegay in Madaxwaynaha Madaxtooyada uu ku qaabilayo qaar ka mid ah Hoggaamiyaasha Beelaha Soomaaliyeed kuwaa soo caasimada ku qabtay kulan ka dhan ah Dowladda  Federaalka Soomaaliya.

Dowladda oo garwaaqsan culayskaga kaga imaanayay beelaha Soomaaliyeed ayaa dadaal ku bixinaysa qancintooda , maadama sida wax u socdaan aysan ku qancin oo ay jiraan dul-duleelo badan.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay beelaha uu la kulmay in ay muhiim ay tahay in Dowladda ay qancin doonto beelaha , isla markaana dalka uu ku  jiro dagaal , taasna ay keentay  tabashooyinka jira.

Beelaha qaar ee diidan hab maamulka Dowladda Federaalka ayaa ah kuwa tun culus oo qaarkood deegaanada ka bilaabay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee taageeraduna ku helay Madaxwaynaha marka uu xafiiska yimid.

In laga aamusaa tabashooyinka beelaha ayaa lagula taliyay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud in Dowladdiis ay ku keeni karto  khal-khal siyaasadeed oo aan la dhayilsan karin .

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo jirta wax ka yara hal sanno ayaa la sheegaa in hadda ay wajahayso cadaadis xaga beelaha , sabab la xiriirta ku qanacsanan la’aanta beelaha ee sida wax loo qaybsaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.