Saciid Deni oo go’aan adag ka soo saaray doorashooyinka Puntland

Saciid Deni oo go’aan adag ka soo saaray doorashooyinka Puntland

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne kaas oo ku saabsan Astaynta Maalinta Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland.

 “Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023,” ayuu lagu yiri wareegtada.

Xeerkan uu soo saaray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku beegmaysa xilli ay dhowaan soo gebagaboobeyso diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha ee doorashada goleyaasha degaanka degmooyinka Puntland.

“Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Guud ahaan deegaanada iyo degmooyinka gobolada ayaa laga sameeyey diiwaan gelinta marka laga reebo gobolka Sool oo ay muransan yihiin Puntland iyo Somaliland haatanna uu dagaal ka socdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.