Muqdisho (Raxanreeb) — Xoghayihii joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamad Abuukar Zubeyr, ayaa shalay xilkii iska casilay, isagoo qoraal dheer oo iscasilaad ah, u diray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xamza Cabdi Barre.
Zubeyr, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in uu si iskiisa u go’aansaday is-casilaadiisa isagoona uga mahad celiyay shaqadii u igmaday Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.
Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Xukuumadda ay waddo isku shaandheeyn, Golaha Wasiirrada, iyo agaasimeyaasha qaar, walow laga yaabo in ay is casilaan saacadaha soo aadan.
Zubeyr, ayaa la amisan yahay horeyba in uu ahaa maqaar saar, taasoo awood badan uusan ku lahayn Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in loo wado Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, Kamaal Xasan Guutaale, oo hadda ka tirsan lataliyaasha isku raranka ah, es Xafiiska Ra’isulwasaare Xamsa Cabdi Barre.