Muqdisho (Raxanreeb )- Hay’adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty war ay soo saartay ayay ku shaacisay dalalka xargaha goystay ee fuliya dilalka , waxaana soo muuqday Liiskan Soomaaliya.
Tirada toogashada ee la diiwaan galiyay caalamka oo dhan sanadkii hore ayaa gaartay heerkii ugu sareeyay tan iyo sanadkii 2015-kii, iyadoo Iran iyo guud ahaan bariga dhexe ay aad sare ugu kacday.
Shiinaha, Sacuudi Carabiya, Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa ah afarta waddan ee kale ee sanadkii hore laga fuliyay xukunnadii ugu badanaa.
Dadka la toogtay ayaa waxaa ku jiray 24 haween ah iyo shan qof oo carruur ahaa markii dambiyada la galayay, ayay tiri Amnesty, iyadoo intaas ku dartay in dhaqankan uu si adag u saameeyay dadka laga tirada badan yahay ee Baluch ee Iran.
Dalka Mareykanka, waxaa sare u kacay xukunada dilka ah sanadkii labaad oo xiriir ah. Sannadkii 2022 waxaa la dilay 18 maxbuus hadlka 2023 la dilay ilaa 24.
Shan gobol ayaa fuliyay xukunka dilka ah, kuwaas oo dhamaantood loo adeegsaday cirbadda lagu dhinto.
Amnesty ayaa sheegtay in inkastoo dib u dhacyadaasi, haddana uu jiro horumar, sababtoo ah tirada waddamada dilalka fuliyay ayaa hoos uga dhacay 16, waana tiradii ugu hooseysay ee la diiwaan geliyo tan iyo markii ay kooxdu bilowday kormeerka.
Leave a Reply