Xuutiyiinta Yemen oo weerar ku qaaday bartilmaameedyo ay leeyihiin Mareykanka & Isra’iil

Xuutiyiinta Yemen oo weerar ku qaaday bartilmaameedyo ay leeyihiin Mareykanka & Isra’iil

Yemen (Raxanreeb online) – Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen Yaxya Sareec, ayaa Isniintii sheegay in kooxdooda hubeysan ay weerar ku qaadeen bartilmaameedyo ay leeyihiin Mareykanka iyo Israa’iil.

Sidoo kale, Yaxye Sareec waxa uu sharaxay in Xuutiyiinta ay beegsadeen markabka xambaara diyaaradaha Maraykanka ee “USS Harry Truman” oo siday laba gantaal oo nooca Cruise-ka ah iyo 4 diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kaasoo sugnaa waqooyiga Badda Cas, isagoo xusay in Maraykanku uu qorsheynayay inuu weeraro Yemen, isla markaana ay “fashiliyeen isku daygoodii.“

Dhanka kale, Waxa uu intaa ku daray in Xuutiyiintu ay weerarro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen bartilmaameedyo ciidan oo ku yaalla Jaffa iyo Ashkelon oo ku yaalla bartamaha Israa’iil, halka wargeyska Times of Israa’iil lag aleeyahay uu sheegay in ciidammada Israa’iil aanay soo sheegin wax xog ah oo la xiriirta in Israa’iil weerar looga soo qaaday dhanka Yemen.

 Afhayeen u hadlay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, Hans Grundberg, ayaa sheegay in uu caasimadda Yemen u tagay dadaal lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda sii xumaanaysa, waana booqashadiisii ​​ugu horreysay ee muddo laba sano ah ku dhow.

Leave a Reply

Your email address will not be published.