Yaasiin Farey ” Muddulood diyaar buu u yahay dagaalka Al- Shabaab ”

Muqdisho (Raxanreeb ) Xildhibaan Yaasiin Farey oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka ee ka soo jeeeda Mudulood ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warka ku saabsan in beesha aysan diyaar u ahayn ka qayb galka dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab.

Farey ayaa sheegay in ay diyaariyeen , ciidan fara badan oo ka qayb qaata sida uu – hadalka u dhigay dagaalka ka socda gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

” Sidaad u jeedaan waxa aynu diyaarinay ciidamo fara badan oo ka qayb qaata dagaalka aan kala soo horjeedno kooxda Al- Shabaab mana ka baaqsanayo in aan dagaalkaas galno oo aan dadkeena ka dulqaadno dhibaatadada ” ayuu yiri Yaasii Farey.

Waxa uu intaa raaciyay in ay jiraan shaqsiyaad been abuur samaynaya , taas oo la xiriirta in ay Beesha mudulood aysan diyaar u ahayn in ay ka qayb qaadato dagaalka hubaysan ee lagula jiro Al- Shabaab.

S kastaba – maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxay warar kala duwan oo ku saabsan in muddulood aysan diyaar u ahayn in ay ka qayb qaadato dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab , keliya uun ay ku jiraan hub aruuris iyo bandhigyo.

Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa ka soconaya , howlgalo xoog badan oo ay wadaan ciidanka Dowladda oo kooxaaha kacdoonka kuwaas oo ujeedkooda uu yahay sidii ay isaga dulqaadi lahayeen Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.