PUNTLAND : Shaki & diidmo ka dhashay shir Garoowe uu ku qabtay Deni

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada – Garoowe dhaliil ayaa lagu soo waranayaa in uu ka dhashay kulan Madaxwaynaha , maamulka Puntland uu la qaatay qaar ka mid ah siyaasiinta iyo hoggaannada ururada siyaasadeed ee ka jira deegaanada maamulka Puntland.

Kulankan oo yimid ka dib is qab -qabsi iyo murank ka dhashay deegmooyinka lagu qabayo doorashada golayaasha deegaanka kuwaas oo durbadiiba naqdiyay kulanka uu shirguddoomiyay Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

xog ay heshay RBC ayaa sheegaya Kulanka waxaa ka maqnaa qaar ka mid ah madaxda ururada siyaasadda, kuwaas oo qaarkood horay u caddeeyeen mowqifkooda doorashada goleyaasha deegaanka Puntland.

Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in uu fulinayo ballan qaad hore oo ahaa in ururada dhaqaalle lagu taageero, waxaana uu ballan qaadey $10K oo hal mar ah iyo $3K oo bilkasta ah.

Urur Sincad ayaa shuruudo adag ku xiray doorashada goleyaasha deegaanka, halka ururka Horseed ee hoggaamiyo Senator Cabdiraxmaan Faroole ku tilmaamay doorashada qof iyo cod ee Puntland boob xukuumadda hadda jirta ay waqtiga ku dheeraysanayso.

Madaxweyne Deni ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee muddo xileedkiisa madaxtinimada Puntland isagoo la sheegay inuu ka shaqeynaynayo qorshe uu kusii joogi karo xilka u sareeya maamulka, Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published.