Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay Jaaliyadda Netherlands ?

Netherlands (Raxanreeb ) Wafdi uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka FS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ku sugan waddanka Netherlands, kaddib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa Vera Bergkamp ayaa Magaalada De Heeg kula kulmay xubno ka tirsan jaaliyadaha Soomaalida iyo madaxdooda.

Kulankan, oo ahaa mid is-xog-iswareysi ahaa, waxaa soo qabanqaabiyay safiirka Soomaaliya ee waddamada Benelux iyo Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaashiin Xaashi iyo Dalladda FSAN ee fadhigeedu yahay Amsterdam, ahna dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaaliyeed oo ka dhisan Netherlands.

”Waxaan kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Netherland anigoo uga mahad-celiyay soo dhaweynta diiran ee ay noo sameeyeen aniga iyo wafdigii aan hogaaminayay, waxaana uga warbixiyay xaalada guud ee dalka, dagaalada aan kula jirno argagixisada iyo abaaraha ka jira dalka ” sidaas waxaa sheegay Guddoomiyaha Barlaamaanka.

C/wahaab Yariisow oo ka tirsan Guddiga FSAN oo ugu horreeyn kulankaasi ka hadlay ayaa si guud ugu sharxday wefdigii Guddoomiyaha xaaladda Soomaalida ku dhaqan Netherland iyo doorkooda ku aadabn sidii ay kaga qeybqaadan lahaayeen Dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Soomaalida Holland ay caan ku yihiin in ay si midnimo leh kaga qeybqaataan sidii loo soo celin lahaa haykalkii Dowladnimada Soomaaliya.

“Guddoomiye, mushtamaca Soomaaliyeed ee ku dhaqan Netherland waa mushatamac jecel in Dowladnimo taam ah dalkoodu ka hana-qaado, waxaan ku boorineynaa Dowladda cusub ee aad adigu hormuudkeeda ka mid tahay ilaalinta sharciga iyo in ummadda loogu khidmeeyo si cadaalad ah” Ayuu yiri C/wahaab Yariisoow.

Leave a Reply

Your email address will not be published.