Lusaka (Raxanreeb) — Dalka Zambia, waxaa ka dillaacay Cudurka Daacuunka kaas oo galaaftay nolosha dad gaaraya illaa iyob700 oo qof oo uu cudurku ku dhacay, sida ay sheegeen masu’uliyiinta caafimaadka.
Dowladda ayaa dalbatay in laga gacansiiyo sidii loosoo afjari lahaa cudurkani ee halista ah, dalkeeda waxaana ay karaankiil gelisay Dad badan oo qaarkood xannuunka laga helay halka qaar kale looga shakiyay cudurka Daacuunka ay qabaan.
Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn ayaa warbixin ay soosaareen waxa ay ku sheegeen aafadaan ay noqonayso tii abid ugu darnayd ee cudurka Daacuunka uu dhibaato intaas la eg ku gaarsiiyo Dalka Zambia, loona baahan yahay in si wadajir ah looga hortago cudurkan halista ah.
Daacuunka ayaa billowgiisii lagu arkay magaalada Lusaka, Bishii Oktoobar sannadkii tagay 2023 tan iyo xiligaasi waxa uu si tartiib ah ugu sii faafayay gobollada dalka Caasimadda oo waxaa loo badinaya in dadku isu gudbiyeen maadaama la dhayalsaday kahortagga faafitaanka Daacuunka.