XOG : Saciid DENI ma waxa uu raadinayaa wasiiro diidan Villa Somalia ?

XOG : Saciid DENI ma waxa uu raadinayaa wasiiro diidan Villa Somalia ?

Garoowe (Raxanreeb )- Magaalada Garoowe ee Puntland waxaa ka soconaya shirar kala duwan oo looga hadlayo dhismaha xukuumad cusub oo bedesha tii hore.

Madaxwaynaha dib loo doortay Saciid DENI ayaa wada shirarar kala duwan oo uu la qaadanayo qaybaha bulshada oo uu kala hadlayo dhismaha Golaha wasiiradda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wajiyo cusub ay ka soo muuqan doonaan  Golaha wasiirada isla markaana suurtagal ay tahay in qaar ka mid ah ay dib u soo laabtaan.

Madaxwayanha Puntland ayaa sheegay inuu u baahan yahay fursad uu  kaga fakaro dhismaha Golaha wasiirada  cusub maadama isbedel dhawaan la galay.

Deni ayaa aad uga fakaraya xubnaha ka soo – muuqan doona Golaha wasiirada maadama Puntland ay ka dhacaan dagaalo siyaasadeed oo xitaa sababay in waddooyinka ciidamo ay xirtaan.

Waxa uu aad u raadinayaa Saciid Deni xubno diidan madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , taas oo uu muujinaysa heerka  uu gaarsiin yahay khilaafka labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.