Muqdisho (Raxanreeb )- Deegaanku waxa uu ka kooban yahay waxyaabo dabiici ah ee aynu ku nool nahay ama nagu hareeraysan, oo ay ka mid yihiin; hawada aan neefsaneyno, biyaha aan cabno, ciidda aan ku nool nahay [ku dul-noolnahay], iyo noolaha innaga inala-nool. Waa nidaam isku dhafan oo isku tiirsan oo taageera nolosha dhulka. Nasiib darro, ficiladeenna waxay carqaladeeyeen dheelitirnaanta deegaanka, iyagoo keenay dhibaatooyin culus oo deegaanka ah; sida isbeddelka cimilada, xaalufinta dhirta, iyo luminta noocyada kala duwan ee dabiiciga ah. Maalinta deegaanka adduunka [๐ช๐ผ๐ฟ๐น๐ฑ ๐๐ป๐๐ถ๐ฟ๐ผ๐ป๐บ๐ฒ๐ป๐ ๐๐ฎ๐], waxaa tahay in aan is xasuusinno masโuuliyadda naga saaran ilaalinta iyo soo celinta deegaankeena si aan mustaqbal fiican ugu diyaarinno ubadkeenna.
Ololaha Soomaaliya Cagaaran: (The Green Somalia Campaign)
Bishii Oktoobar 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu xariga ka jaray ololaha Soomaaliya Cagaaran oo ah hindise ku aaddan in guud ahaan dalka lagu beero 10 milyan oo geedo ah. Hindisahan, oo lagu daahfuray Magaalada Baydhabo, wuxuu hoosta ka xariiqayay doorka muhiimka ah ee dhirtu ku leedahay la dagaallanka nabaad guurka, xaalufinta deegaanka, yaraynta dhibaatada loo gaysto deegaanka, iyo horumarinta mustaqbal waara oo Soomaaliya yeelato.
Ololuhu wuxuu diiradda saaraayay inuu wax ka qabto caqabadaha deegaanka ee daran ee Soomaaliya markaas [iyo hadda ba], ay si daran u wajahaysay oo ay ka mid yihiin; abaaraha iyo roob yarida soo noq-noqday kuwaas oo ka sii daray xaalufinta dhirta. Billowgii waxaad mooddaa in ay jirtay xamaasad iyo wax aan dhihi karo laab-lakac taas oo markii dambe la waayay meel ay ka baxday. Dowladda iyo hayโadihii arrimhaas u xil-saarnaa way ku guul-daraysteen in ay sii dhaqaajiyaan hindisihii iyo qrshayaashii uu Madaxweynuhu billaabay ee rajada badan laga qabay.
๐๐น๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐๐ฒ๐ฒ๐ด๐ด๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ฎ๐ ๐๐ผ๐น๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐บ๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ค๐บ ๐ฎ๐ ๐ธ๐ฎ๐๐ผ๐ผ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ป ๐ด๐ผ’๐ฎ๐ฎ๐ป๐ผ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐ ๐ฎ๐น-๐ด๐ฎ๐น ๐ ๐ป๐ผ๐พ๐ฑ๐ฎ๐ ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐พ๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎ ๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐ฒ๐ด๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ.
Sannado kala duwan ayee qiimeynta ilaalinta deegganka Soomaaliya ka gashay kaalmaha hoose, iyada oo lagu eedanayay dalalka sida baโan u nabaad-guuriyay deegganka.
Dunida oo mab-nuuc ka tahay dhoofinta Dhuxasha ayee Soomaaliya u dhoofisay dalalka khaliijka iyo kuwa kale intii u dhexeeysya 2006 ilaa 2012, iyada oo Bishii Febaraayo sannadkii 2012 Golaha Amaanka Qaramada midoobay cod aqlibad leh ku mamnuucay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, waxaana xiligaasi Golaha qodnada ay cuksaneen waxey ahayd xaalufinta dhirta, dhaqaale fara badan oo ay kasoo gala kooxaha Aragaxisada ee ka dagaalao Soomaaliya. wax uuna Wadamada carabta ku cadaadiyay in ay joojiyaan soo dagsashada dhuxsha.
๐๐ฎ๐พ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐๐ผ๐ผ๐๐ถ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ถ๐ฟ๐ด๐ฒ๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ (๐๐ป๐๐ถ๐ฟ๐ผ๐ป๐บ๐ฒ๐ป๐๐ฎ๐น ๐๐ต๐ฎ๐น๐น๐ฒ๐ป๐ด๐ฒ๐ ๐ถ๐ป ๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐ฎ)
Inkasta oo uu jiray sida aan soo sheegay rabid bulsheed oo ku saabsan ololaha Soomaaliya Cagaaran, caqabado badan ayaa hor istaagay horumarkiisa. Caqabadahaas waxay isugu jireen isku duwid la’aanta iyo balanqaadyadii laga sugaayay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo hungoobay taas oo muhiim iyo tiir ba u ahayd bixinta kheyraadka loo baahan yahay (resources), siyaasadaha (policies), in kastoo tan wax laga sameeyay, hadana haddii aanan la-dhaqangilin, wax micna ah malleh.. Waxay ahayd in lasii dardargiliyo oo bulshada qaybaheeda kala duwan, dowlad goboleedyada dalka iyo hay’adaha dowladda inay si firfircoon uga qaybqaataan beerista geedaha iyo dadaallada ilaalinta deegaanka.
Sidoo kale, xaaladaha cimilada adag ee Soomaaliyaโoo ay ka mid yihiin roob yarida, dabaylo joogto ah, iyo fatahaado soo noqnoqdayโwaxa ay adkeynayaan [een] hirgelinta mashaariicda beerista geedaha ee ballaaran.
Soomaaliya waxay la tacaalaysaa dhibaatooyin badan oo deegaanka ah oo kordhiya nuglaanta bulshadeeda. Isbeddelada cimilada ee aan caadiga ahayn oo ay ku jiraan abaaro daba dheeraaday iyo fatahaado mararka qaarkood dhaca, waxay carqaladeeyaan in beeraleedaynnu ay wax soosaaraan.
๐ฅ๐ฎ๐ท๐ผ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐๐๐ฎ๐ฎ ๐ ๐๐๐พ๐ฎ๐๐ฎ:
Geesta kale waxaa jiro dhallinyaro si iskooda ah is-xilqaam ah ugu shaqeeya beerista dhirta iyo ilaalinteeda, kuwaas oo faham buuxa ka haysta, qaarkood oo aan kula kulmay Caasimadda Dalka waxey ila wadaageen mudnaanta ay siinayaan howshan.
Mid kamid ah xaruumaha yadadiilada u ah horumarka deegaanka iyo isbadalka cimilada ee aan booqday waa ๐ซ๐ฎ๐ฟ๐๐ป๐๐ฎ ๐ซ๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐๐๐ฟ๐๐ฎ ๐๐ด๐ผ๐ผ๐ป๐๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ถ๐ถ๐ฑ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ฃ๐ผ๐น๐ถ๏ฟฝ๏ฟฝ๐ฒ-๐ธ๐ฎ ๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, Osma Oscar iyo Saaxibkiis waxay si isxilqaan ah ay geedo inta ay soo iibiyeen ugu abuureen xaruunta, waxa uu Cusmaan hoosta ka xariiqay in arinkan ay ugu danleeyihiin ay tahay in magaalada Muqdisho ay noqoto magaalo cagaaran dhirtana Saaxiib laโah, taasoo qeyb ka qaadanayso bilicda caasimada iyo il-qabsiga quruxda badan.
Yaanan ilaabin guulaystayaasha (Champions-ka) uu horkaco walalkay, ustaad Cabdisatar carabow oo ah madaalayaasha isku xilqaamay, qurxinta iyo nadaafadda Xeebta Liido, waxay subax kasta oo jimca ah ay hurdadii iyo raaxadii ugy tageen in mid kamid ah meelaha loo dalxiis tago ay nadiif ahaato, dadku ay jeclaadaan u damaashaad tagisteeda, waxayna howshaan wadaan Cabdisataar iyo saaxiibada kale ee dhallinyarada u badan, wax ka badan seddax sano.
๐ช๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ผ๐ผ๐๐ถ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ด๐ ๐ซ๐ฎ๐น๐น๐ถ๐ป ๐ธ๐ฎ๐ฟ๐ผ ๐๐ฎ๐พ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ถ๐ฑ๐ฎ ๐น๐ผ๐ผ๐ด๐ ๐ด๐๐๐น๐ฎ๐๐๐ฎ๐ป ๐ธ๐ฎ๐ฟ๐ผ
Si loo xalliyo caqabadahaas aan soo sheegay waxaa ay ila tahay haddii tallaabooyinka hoose aan ku bixiyay la qaado in wax laga qaban karo isbadelka cimilada iyo deegaanka:
1. ๐ซ๐ผ๐ผ๐ท๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ง๐ฎ๐ฎ๐ด๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐’๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ: (Strengthening Institutional Support)
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waa inay qaataan door firfircoon oo ku saabsan isku-duwidda dadaallada, bixinta kheyraadka, iyo fulinta siyaasadaha taageeraya ololaha. Iskaashiga maamullada gobollada iyo dadka deegaanka waa lama huraan si loo hubiyo hab midaysan.
2. ๐๐ฎ-๐พ๐ฎ๐๐ฏ๐ด๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐๐น๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ช๐ฎ๐ฐ๏ฟฝ๏ฟฝ๐ถ๐ด๐ฒ๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ: (Community Engagement and Education:)
Kordhinta wacyiga ku saabsan muhiimadda ay leedahay beerista geedaha iyo ilaalinta deegaanka ee bulshooyinka maxalliga ah waa muhiim. Barnaamijyada waxbarashada iyo dhiirrigelinta waxay kor u qaadi karaan ka-qaybgal firfircoon iyo abuurista dareen lahaansho iyo mas’uuliyad.
Sidaas oo kale dhallinyarada hada is abuubushay iyagana in lasii dhiirigiliyo oo lagu taageero, aqoon iyo agab wixii ay u baahan yihiin, tani waxay ka qayb qaadan kartaa in bulshadu si iskooda ah ay isku xilqaamaan, qofkasta iyo deegaankastana uu is abaabulo.
3. ๐๐ฎ-๐พ๐ฎ๐ฏ๐๐ถ๐ด๐ฎ ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ถ๐บ๐ถ๐น๐ฎ๐ฑ๐ฎ: (Adapting to Climatic Conditions:)
Hirgelinta farsamooyinka sida isticmaalka noocyada kala duwan ee geedaha u adkeysan kara abaaraha iyo isticmaalka hababka biyaha ilaalin kara, waxay kordhin karaan heerka badbaadada geedaha cusub. Abuuristaiyo hababka ilaalinta ciidda waxay sidoo kale yareyn karaan saameynta xaaladaha cimilada adag.
4. ๐๐ฎ-๐ณ๐ฎ๐ฎ’๐ถ๐ถ๐ฑ๐ฎ๐๐๐ถ๐ด๏ฟฝ๏ฟฝ ๐ง๐ฒ๐ธ๐ป๐ผ๐น๐ผ๐ท๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐น-๐ฎ๐ฏ๐๐๐ฟ๐ธ๐ฎ: (Leveraging Technology and Innovation:)
Adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah sida helitaanka macluumaadka fog iyo GIS (Nidaamka Macluumaadka Juquraafiyeed) waxay caawin karaan in la sameeyo khariidadaha aagagga ku habboon ee ay tahay in la beero sidoo kale la ogaado koritaanka geedaha. Xitaa tani waxay sahli kartaa in beeralaydeennu ay hellaan xalal waara iyo in ay maareeyaan fatahaadda biyaha.
Tallooyinku ama tallaabooyinka in la qaado ay tahay, intaan waa ka badan yihiin, balse intaan baan kusoo koobay. Fadlan adna wax ku biiri/ku dar. Mahadsanid
๐๐๐ป๐ฎ๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฑ
Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka (World Environment Day) waxaa ay na xasuusinaysaa waajibaadka qofkasta ka saaran yahay in uu deegaanka ilaaliyo, masuuliyadda dhankiisa ka gaysto, oo ku dadaalno sidii aan u quruxsan lahayn deegaankeenna. Ololaha Soomaaliya Cagaaran, inkastoo caqabadaha badan ay ka jiraan hadana wuxuu nasiinaayaa yadadiilo fara badanโsida wadamada dariska oo aan tusaalle usoo qaadan karo Kiinya iyo Ithoobiya kuwaas oo tallaabooyin xaga hore ah u qaaday horumarinta deegaanka iyo wax ka qabashada isbadalka cimilada.
Hadii aan rabno in aan wadamada geeska Africa aan la-tartanno, wax la qaybsanno, maalgashi uu wadankeena helo, waa in aan wax badan ka qabannaa arimahan deegaanka, hadii kale 20 sano soo-soocota ama 30 sano mesheena ayaan joogeennaa. Aan mideyno dadaalladeena oo aan qaadno tallaabooyin sax ah oo waxtar leh, si aan u ilaalino deegaanka.
Maalintan caalamiga ah darteed; ma ila wadaagi kartaa wax un oo karaankaaga ama kaalin ah oo aad ka gaysatay deegaanka (meesha aad ku nooshahay) iyo wax ka qabashada Isbadalka cimilada? U qareemid, dhir-beeris, wacyigilin & waxbarid iyo wixii lamid ah; maxaa kaaga mahadnaqnaa intaas kamid ah oo aad samaysay?
Geed oo aad beertaa waa adiga oo nolal hagaajiyay, hadaba ilaa goormee ayaa laisku xilqaami doonaa ilaalinta iyo kobcinta Deegganka?
โNadaafadu, waa iimaanka barkiis.โโ (Xadiithkii Nabigeena N iyo N korkiisa ha ahaatee).
______________
๐๐๐๐ข๐ซ๐๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐๐ฎ๐ซ ๐๐๐ซ๐๐ก๐ข๐ฆ
๐ฆ๐ฒ๐ป๐ถ๐ผ๐ฟ ๐๐ผ๐๐ฟ๐ป๐ฎ๐น๐ถ๐๐, ๐๐น๐ถ๐บ๐ฎ๐๐ฒ ๐๐ฑ๐๐ผ๐ฐ๐ฎ๐๐ฒ ๐ฎ๐ป๐ฑ ๐๐ผ๐บ๐บ๐๐ป๐ถ๐ฐ๐ฎ๐๐ถ๐ผ๐ป/ ๐ ๐ฒ๐ฑ๐ถ๐ฎ ๐๐ ๐ฝ๐ฒ๐ฟ๐
Xuquuqda Wey Dhowran Tahay
Leave a Reply