1,143 arday oo u dhiganta 3% oo ku dhacday Imtaxaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee Soomaaliya

Wasaaradda Waxbarashada shaacinta natiijada imtixaanka

MUQDISHO (Raxanreeb) Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaada ah ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare ee dalka Soomaaliya.

Wasaaradda waxbarashada ayaa shaacisay in imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare oo sanandkan u fariisteen 33,468  ay ku guuleysteen arday gaareysa 32,325 arday oo u dhiganta 97%,  halka ay ku dheceen  1,143 arday oo u dhiganta 3%.

Goobta lagu shaacinayay natiijada imtixaanka waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, dalladaha waxbarashada iyo waalidiin.

Inta badan ardayda ku dhacday sannadkan imtaxaanka  ayaa ah kuwa kasoo galay magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada ee heer federaal.

Wasaaradda Waxabarashada waxay sheegtay in sannadkan isbedel uu ka muuqdo ardayda dugsiyada sare ee dalka taas oo ay ku micnaysay kaddib markii wax laga bedelay hannaanka waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

10-ka arday ee ugu sarreysa ayaa u badan kuwa wax ka barta gobolka Banaadir waxaana ka muuqda afar gabdhood oo wasaaraddu ay sheegtay in dadaal dheer ah ah ay muujiyeen. Hal arday oo kasoo galay Jubbaland ayaa ka mid noqday 10 ka arday ee ugu sarreeya natiijada imtixaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.