Saraakiil Al Shabaab ah oo lagu dilay Degmada Ceelbuur

Saraakiil Al Shabaab ah oo lagu dilay Degmada Ceelbuur

Dhuusamareeb (Raxanreeb)  Guddoomiyaha degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale, ayaa sheegay in ay dileen xubno ka mid ah  kooxda Al Shabaab ka dib dagaal ka dhacay duleedka degmada Ceelbuur.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in laba sarkaal oo Al- Shabaab ah ay ku dileen dagaalkaas oo mudo  saacada ah soconayay.

Marka laga yimaado warka Guddoomiyaha si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac ku dhaxmaray ciidanka  Galmudug iyo kuwa Al Shabaab.

Ma jirto dhanka Al-Shabaab wax war ah oo ay ka soo saareen dagaalka ka dhacay duleedka degmada Ceelbuur ee  gobolka Galgaduud.

Xaalada  goobihii lagu dagaalamay aya degan , waxaana si caadi ah u shaqaynaya adeegyada  bulshada.

Dhawr jeer oo hore ayey kooxda Al-Shabaab weerar sidan oo kala ah ku soo qaaday degaanada maamulka Galmudug

Leave a Reply

Your email address will not be published.