Degmo 10 sano maamulan Shabaab oo muran ka dhashay maamul Qoorqoor u magacabaay.

Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) Markii ay soo ifbaxday in Wasaaradda Arrimaha gudaha Maamulka Galmudug in Degmadda Xarar Dheere ee Gobolka Mudug u magacaabay maamul Cusub ayaa waxaa soo ifbaxaya muran ku saabsan arintan.

RBC xog uu ka helayo habka maamulka Xarardheere loo magacabay ayaa sheegaya in beelaha qaar ee dega gobolka Galgaduud muran ay ka keeneen hanaanka awood qaybsiga.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in beelaha qaar durbadiiba gaashaanka ku dhufteen wareegtada maamulka loogu magacabay degmada Xarar dheere halkaas oo wali gacanta ay uu jirto Al- Shabaab.

Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in aan lagu salayn maamulka Degmada Xarardheere habka ku dhisan awood qaybsiga , taasna ay keeni karto in beeluhu isku dhacaan.

Siyaasiinta qaar ayaa baraha bulshada saacadihii la soo dhaafay waxa ay – baraha Bulshada isku waydaarsanayeen in maamulka Galmudug uu ku fududaay magacaabista maamulka degmadaas oo gacanta ay ku hayaan Al- Shabaab.

Qaarkood ayaaba sheegaya in tani ay la micno tahay in maamulka Qoorqoor uu doonayo inuu kala dhantaalo kacdoonka beelaha ee ka socdo degaano ka mid ah gobolka galgaduud.

Arinta layaabka leh ayaa ah in Degmadda Xarardheere ay 10-sano ka badan ay maamulayaan Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.