18 Milyan oo cuno la’aan ku haysa Suudaan &  macluul ka jirta dalkaas

18 Milyan oo cuno la’aan ku haysa Suudaan &  macluul ka jirta dalkaas

Sudan (Raxanreeb )- Hay’adda cunada Aduunka ee WFP ayaa sheegtay in ay sii kordhayso dadka ku nool Suudaan ee u baahan  gargaarka Bani’adanimo oo deg deg ah si xaaladooda wax looga qabto.

Hay’addu waxay sheegtay in haddii aan lala gaarin dadkaas wax gurmad ah suurtagal ay tahay inay u dhintaan  macluul maadama ay kordhiso gaajada dalkaas ka jirta.

WFP ayaa sheegtay in 18 Milyan oo ruux Dad gaaraya in ay cunno la’aan haysato waxaana ugu sii daran 5 Milyan oo kamid ah Dadkaas oo xaaladdoodu tahay mid gaartay heerka macluusha sida hadalka loo dhigay.

Dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan ee aanay ku kala awood roonaan muddada sanadka ah maadaama uu dagaalkoodu billowday bishii April 2023 ayaa loogu baaqay in ay ka fakiraan qorshe lagu dhalin karo xabbad-joojin si gargaar loo gudbiyo.

Hay’addaha Gargaarka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka socday saddexda sano, uu saamayn weyn ku yeeshay xaaladda dadka Suudaanta Koonfureed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.