Wargaadhi ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo khasaaro geystay oo saakay ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab ay weerar ku qaaday deegaanka Wargaadhi oo ay saldhig ku lee yihiin cidiamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaaro kala...
Month: April 2025
Hindiya ayaa ceyrisay dublumasiyiintii Pakistan
Hindiya ( Raxanreeb Online) Hindiya ayaa xirtay xuduudka ugu weyn ee ay la wadaagto Pakistan, waxayna eriday diblumaasiyiinta Pakistan iyada oo sidoo kale hakisay heshiis taariikhi ah oo ku salaysnaa qeybsiga biyood, kadib weerar lagu dilay 26 dalxiisayaal ah oo ka dhacay gobolka Kashmir ee ay Hindiya maamusho. Pakistan ayaa beenisay inay ku lug leedahay...
MW Xasan oo kulan la qaatay Ergada midowga Afrika ee Soomaaliya
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muhiimka ah ee dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed,...
Guddoonka labad aqal oo kulan ka yeeshay dardar gelinta iyo dhameystirka dastuurka
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaah, ayaa kulan la qaatay Guddiga Lasocodka iyo Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo sidoo kale Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Kulanka oo...
Guddoomiye Abshirow oo shir guddoomiyey kulan uu yeeshay guddiga Miisaaniyadda Baarlamaanka
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulan uu maanta yeeshay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddiga ee xarunta guddoonka iyo guddiyada Villa Hargeysa, waxa ay...
Shir looga hadlayo sidii howlgalka AUSSOM u heli lahaa dhaqaale oo ka socda Uganda
Kambaala (Raxanreeb Online) Waxaa magaalada Kambaala ee caasimada dalka Yugaandha ka socda shir u dhaxeeya Taliyeyaasha dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxa uuna soconayaa shirka 22 ilaa iyo 25 bishan April. Shirkan ayaa waxa uu yahay mid ay Taliyeyaasha uga hadlayaan sidii taageero dhaqaalo loogu garab istaagi lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM. Mas’uuliyiinta kulanka ka...
Tirada dhimashada weerarka Hindiya oo korortay
Hindiya ( Raxanreeb Online) In ka badan 26 qof ayaa lagu dilay weerarka argagixiso ee ka dhacay Pahalgam, Jammu iyo Kashmir. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Hindiya ayaa tebisay in ugu yaraan 28 qof ay naftooda ku waayeen weerarkaan. Inta badan dadka dhintay waa dalxiisayaal, waxaana weerarkan lagu tilmaamay kii ugu dhimashada badnaa ee waayahaan...
Weerar khasaaro dhaliyay oo ciidanka deegaanka ay xalay ku qaadeen deegaanka Abooreey
Abooreey ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan, ay ku qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaas. Howlgalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada difaaca deegaanka ay ka war heleen Al-shabaab isku aruursanaysa aagga Aboorey, waxay halkaas ku qaadeen weerar...
Puntland oo ka jawaabtay eedeeyn ay dowladda federaalka u soo jeedisay
Garoowe ( Raxanreeb Online) Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cali Xoosh, ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray tallaabo ay qaaday Puntland oo ku sheegtay in aqoonsi gaar ah ay sameysanayo. Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid lagu car qaladanayo aqoonsiga Qaranka ayna tahay khalad mas’uuliyadeed iyo mid sharci darro ah. “Madaxweynaha Puntland...
RW Xamsa oo daah furay hirgelinta siyaasadda Qaran
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah, ayaa sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududdada shaqaalaha Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Xamsa, ayaa xusay in siyaasaddani ay beddeli doonto nidaamkii hore ee muddo dheer lagu maamulayey shaqaalaha dowladda, isla markaana...









