Guddoonka labad aqal oo kulan ka yeeshay dardar gelinta iyo dhameystirka dastuurka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaah, ayaa kulan la qaatay Guddiga Lasocodka iyo Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo sidoo kale Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen habdhowrka Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo xoghayaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxaa guddiyadda qaabilsan dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka ay guddoonka labada aqal la wadaageen warbixin ku saabsan marxaladaha ay marayaan howlaha la xiriira dib u eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan xiliga ay Baarlamaanka horgeeynayaan cutubyada harsan.

Ugu dambeyn Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Lasocodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale guddiga Madaxabanaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa isku raacay dardargelinta howlaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.