Ankara (Raxanreeb Online) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with Turkish President Recep Tayyip Erdoğan during the Antalya Diplomacy Forum, where the two leaders held in-depth discussions on strengthening bilateral ties and advancing joint efforts in security and international cooperation. The meeting highlighted the long-standing partnership between Somalia and Türkiye, with both presidents reaffirming...
Month: April 2025
RW Xamsa oo kulan looga hadlay arrimo kala duwan la qaatay Garaadada deegaannada SSC-Khaatumo
Laascaanood ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay Garaadada deegaannada SSC-Khaatumo. Kulanka ayaa diirrada lagu saaray sidii loo xoojinta lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonid dalka, isaga oo ka dhagaystay tallooyin dhaxal-gal ah oo ku aaddan dib-u dhiska dalka,...
Madaxda Soomaaliya iyo Turkiga oo kawada hadlay amniga iyo iskaashiga Caalami ah
Ankara ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan, inta lagu guda jiray Madasha Diblumaasiyadda Antalya. Labada Madaxweyne ayaa iska xog waraystay xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga...
Agaasimaha guud ee Shabakada Shabelle iyo ku-xigeenkiisa oo dib u helay xoriyadooda
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa dib xoriyadooda u helay Agaasimaha Guud ee warbaahinta Shabelle, Abuukar Sheekh Maxamed ( Abuukar Iskaay) iyo ku-xigeenkiisa Maxamuud Soofeysane oo maanta lagu xiray saldhigga Booliska degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Sababaha loo xiray ayaa lagu sheegay in dowladda ay dhibsatay wareysi Shabeelle ay ka qadaay Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed Cabdiraxmaan...
Agaasimaha guud ee warbaahinta Shabelle iyo ku-xigeenkiisa oo maanta lagu xiray Muqdisho
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ciidamada Booliska saldhigga degmada Xamarweyne ayaa maanta xiray Agaasimaha guud ee warbaahinta Shabelle Abuukar Sheekh Maxamed ( Abuurkar Sky ), iyado saacado ka hor isla saldhigaas lagu xiray Agaasime ku-xigeenka Shabelle Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane . Maamulka guud ee Shabelle, ayaa shaaciyay in Agaasimaha iyo ku-xigeenkiisa waqti kala duwan looga yeeray saldhigga...
RW Xamsa oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Laascaanood
Laascaanood ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa goordhaw gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Ra’iisul wasaaraha ayaa si weyn waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood ugu soo dhoweeyay mas’uuliyiinta kala duwan iyo shacabka fara badan. Waxaa la filaya in Ra’iisul wasaare Xamsa uu kulan la qaato madaxda iyo Bulshada...
Wasiirka Difaaca dalka oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ciidanka xoogga ay garab istaagaan
Maanta oo ah 12 April waxa ay ku began tahay sannad guuradii 65-aad ee aas aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Madaxda ugu saareysa dalka ayaa hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, oo xiligaan dagaal adag kula jira kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya...
RW Xamsa oo u amba baxay magaalada Laascaanood
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay goor dhow ka degaan magaalada Laascaanood. Diyaar-garow ayaa ka socda magaalada oo lagu soo dhoweynayo Ra”iisul wasaaraha oo safarkiisa la sii shaaciyay maalmo kahor. Sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale, booqashada raysalwsaaraha...
Saraakiil katirsan maamulka Trump oo soo jeediyay in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho
New York ( Raxanreeb Online) Sida ay wararka sheegayaan saraakiil katirsan maamulka madaxweyne Trump, ayaa soo jeediyay in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, kaddib khatar culus oo laga muujiyay Al-shabaab. Wargeyska The Times ee kasoo baxa Mareykanka, ayaa qoray in qaar ka mid ah Saraakiisha ugu sarraysa wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dawladda Maraykanka ay...
Meydka Jeneraal Sheegoow oo maanta loo qaaday magaalada Jowhar
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Meydka Jeneraal Sheegoow Axmed Cali, ayaa maanta laga qaaday Muqdisho isga oo la geeyay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si halkaasi loogu aaso. Ka hor inta aan la qaadin Meydka Jeneraalka ayaa salaada Janaasada waxaa lagula tukaday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Eelkiisa iyo dad badan...








