Diyaarada Turkish Airlines oo cabsi darteed ka degi weysay garoonka Aadan Cadde

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Diyaaradda Turkish Airlines oo goordhow rabtay in ay kasoo degto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa dib uga noqotay kaddib markii ay ku burburtay qeyb garoonka kamid ah diyaarad nooca helicopter-ka oo ay leeyihiin Ciidanka ATMIS.

Turkish Airline oo waday Rakaab ayaa amniga dadka saaran awgeed u go’aansatay in ay ka degto garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi sida ay ay ilo wareedyo ay inoo xaqiijiyeen.

Muuqaalo lagu faafiyey Baraha bulshadda ayaa muujinayey diyaarada Helicopter-ka ah oo gubanaysa iyo gurmad loo fidinayo ku dhawaad 5qof oo la sheegay in ay saarnaayeen, kuwaas oo qaarkood loo malaynayo in ay dhinteen.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhicitaanka diyaaradaan oo qaarkood sheegaya in ay ku timid cilad diyaarada dhexdeeda ah.

Garoonka Aadan Cade ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay la arkayey iyadoo dhacdooyinka noocaan ah ay kusoo badanayaan, waxaana lasoo sababeynaa cidlo kala duwan oo xagga garoonka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.