Qahira (Raxanreeb) — Wasiirka caafimaadka dalka Masar ayaa lagu soo waramayaa inuu ku sugan yahay garoonka diyaaradaha ee El Arish, oo 30 mayl u jira xudduudda Qaza, isagoo qeyb ka ah kooxda qaabileysa carruurtan.
Wadar ahaan, 31 carruur ah ayaa laga raray isbitaalka usbuucan dhamaadkiisa – lama oga in saddexda kale loo qaadi doono Masar iyo in kale.
Waxaan la hadlaynaa kooxaha goobta jooga si aan u ogaano sababta kaliya ee 28 ka mid ah dhallaanka loo qaaday.
Waxaan la hadlayay Dr Moxamed Salama oo madax ka ah qaybta dhallaanka cusub ee isbitaalka al-Ahli Emirates, halkaas oo 31-ka carruur ah ee dhicisoobay loo qaaday ka dib markii laga soo saaray Al-Shifa.
“Waalidiinta qaarkood ayaa shalay yimid isbitaalka Al-Ahli Emirates si ay u aqoonsadaan ilmahooda”, ayuu yidhi, “Waxaan waydiisanay inay saxeexaan foom ogolaansho si ilmahooda loogu Masar halkaasna loogu daweeyo.
“Waxa aanu haynaa hal ilmo oo aan la aqoonsan waalidkiis, wali wuu nala joogaa, go’aanka lagu sii haynayo waxa qaadatay wasaaradda caafimaadka ee Qaza, maadaama xaaladdiisu degan tahay oo aan u baahnayn in loo wareejiyo si loogu daweeyo.
“Laba ilmood, waalidkood ayaa diiday inay u diraan duruufo gaar ah awgeed.”
Dr Maxamed Salama ayaa sheegay in saddexda carruurta ah ay xaaladdoodu wanaagsan tahay.
BBC