Muqdisho (Raxanreeb) — Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta la horkeenay eedeysanayaal ku eedeysan qaraxyo ka dhacay caasimadda Muqdisho iyo hareeraheeda.
Maxkamadda ayaa lasoo taagay eedeysane Yuuqow Caliyow Xaaji, oo lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka Amniyaadka, isagoona uga howlgali jiray Muqdisho iyo deegaannada ku teedsan.
Eedeysane Yuuqoow ayaa ku eedeysan in uu ku dilay qarax miino oo ka dhacay degamada Kaxda Hooyo labo carruur ay dhashay iyo darawal bajaajle ahaa, halka ay ku nafwaayeen 4 qof.
Xeer Iaaliye ku xigeenka Ciidamada Qalabka Axmed Cabdalle ayaa sheegay in Yuuqow uu halis ku yahay dadka shacabka ah, uuna dhibaato u geeystay.
“Ninkan wuxuu isku kor dilay laba wiil oo aan qaan gaar ahayn iyo hooyadood waa ninka maalin walba waddada Afgooye aadeyso illaa Muqdisho isku xirto la raadsanaayay inuu qarax dhigo oo uu dad badan ku laayo bis” ayuu yiri.
Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa kasoo muuqatay haweeney lagu mahacaabo Ruqiyo Jaamac Kheyre, ayaa la sheegay inay gacan saar laleedahay Al-Shabaab isla markaana ay hubka u keydin jirtay eedeysane Yuuqow, iyadoona laga soo qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha.
Ugu danbeeyntii guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa soo xiray ka fadhiga maanta isagoona sheegay in Maxkamadda ay go’aan kasoo gaari doonto kiiskani, ayna shaacin doonta.