Garowe (Raxanreeb) — Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli laga dareemayo xaalad kacsanaan ayna kuwada suganyihiin halkaasi ciidamada ammaanka iyo kuwa Mucaaradka kasoo horjeeda Deni.
Dad ku sugan halkaasi ayaa inoo xaqiijiyay saan saanta maanta ka jirta magaaalada Garowe ay degan tahay oo tii shalay ay ka darneed, oo ciidamo badan ay magaalada soo galeen.
Hasa yeeshee waxaa socda dedaallo lagu xaqiijinayo amniga magaalada kuwaas oo ay wadaan Odayaasha dhaqanka ee Garowe halka lagu heshiisinayo Mucaaradka iyo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.
Waraka qaar ayaa sheegaya in maanta ay gaarayaan Odayaal dhaqameedyo ka kala socda gobokka Sool iyo deegaanno kale.
Ciidamada PMPF, ayaa shalay ka tagay magaalada Boosaaso halka ay Garowe tageen kuwaas oo Mucaaradka ay ka muujiyeen digniin ayagoo ka cabsi qaba qalalaaso siyaasadeed iyo kursi isku dhejin madaxweyne Deni uu maagan yahay.
Sidoo magaalada Garowe ayaa amnigeeda qalqal galay halka ay shacab badan isaga qaxeen kuwaas oo la arkayay gawaarida qaar ee xamuulka iyagoo ku guuraya.
Sidoo kale waxaa baaqday saakay kulan ay yeelan rabeen xildhibaannada Puntland kaas oo dib loo dhigay qabashadiisa.
Kulankan ayaa lagu sheegay in qorshihiisu ahaa sidii xal loogu heli lahaa doorashooyinka halka dib loogu dhigay 3 maalin farriin uu u diray xildhibaanada guddoomiyaha golaha ayaa lagu sheegay in uu baaqday.
Wixii kusoo kordha halkan kala soco