78 qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday Yemen

Sanca (Raxanreeb) — Ugu yaraan 78 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday caasimadda Yemen ee Sanca, kadib markii boqollaal qof ay isugu soo baxeen dhisme iskuul, si ay u helaan gargaar lacageed, sida ay sheegeen goob joogayaal iyo warbaahinta taabacsan Xuutiyiinta maanta.

TV-ga Al-Masirah oo ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan 13 qof oo xaaladoodu ay halis tahay, isagoo soo xiganaya agaasimaha caafimaadka ee Sanca.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xuutiyiinta ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in isbuurashada ay dhacday xilli ay ganacsatadu qaybinayeen deeqo samofal ah oo maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan ay qeybinayeen.

Labo goobjooge oo ka qeyb qaatay gurmadka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in boqolaal qof ay isu soo baxeen,si ay u helaan deeq lacageed oo dhan 5,000 oo Riyaal, una dhiganta 9 doolar qofkiiba.

Muuqaal ay Xuuthiyiintu ku baahiyeen Telegram-ka fariimaha la isugu diro ayaa muujinayay dad aad u tiro badan oo isku soo ururay, qaarkoodna qeylinaya, isla markaana u gacan haatinaya in loo qaado meel ammaan ah.

Laba ganacsade oo masuul ka ahaa qabanqaabada deeqdan lacageed ayaa xabsiga la dhigay, waxaana socda baaritaan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Xuutiyiinta.

Reuters.

Leave a Reply

Your email address will not be published.