RAXANREEB oo idin leh Eid Mubaarak Sacuudiga oo laga arkay bisha Soonfur

RAXANREEB oo idin leh Eid Mubaarak Sacuudiga oo laga arkay bisha Soonfur

Riyadh ( Raxanreeb ) Sucuudi Careebiya ayaa laga arkay bishii Soonfur, iyada oo uu arkay qof ku sugan gobollada dhexe ee boqortooyada

Television maxali ah oo ku yaala Sacuudiga ayaa qof ku sugan mahaalada Sudeir  ee dalka Sucuudiga u xaqiiyay aragtida bisha Soonfur.

Maamulka sare & Shaqaallaha Raxanreeb ayaa u diray shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan Hambalyada maalinta farxada badan ee ciida.

Maxkamada sare ee sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in bisha Shawwal laga arkay Sudair sidaas awgeedna ay berri oo Jimce ah 21-ka April sanadka 2023ka ay tahay maalinta koowaad Ciidul Fitriga.

Sidoo kale dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqay iney beri tahay maalinta koowaad ee ciidul Fitriga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.