Cabdalla Cabdalla oo dib u helaya Derajooyinkiisa ka dib  Saadaq John

Cabdalla-Cabdalla.jpeg

Mogadishu (Raxanreeb) Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in tallaabo wanaagsan ay ahayd in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib ugu soo celiyo derajadiisa Jenaraal Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in sidoo kale loo baahan yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh u dib u soo celiyo  derajooyinkii hore looga qaaday Cabdalla Cabdalla oo ahaa Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA.

Cabdalla  Cabdalla ayaa ka mid ah saraakiil ciidan oo aad uga soo horjeeday Dowladdii Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo ahaa Taliyihii NISA isagoo markaas lagu  eedeeyay inuu xiriir la lahaa al-Shabaab, sidaasna looga xayuubiyay derajooyinkiisa.

Saadaq John ayaa derajooyinkiisa waxaa hore ugu xayuubiyay Madaxweyinihii hore ee  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dib markii uu ka hortagay isku day muddo kororsi oo lagu eedeeyay inay damacsanayeen maamulkii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka hadlay maxkamado  u sheegay in gudaha magaalada Muqdisho ay ku leeyihiin al-Shabaab oo uu xusay in ay burburin doonaan dhowaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.