Shirka Garoowe ee Xasan Sheekh & Deni oo la isku mari la’yahay.

Shirka Garoowe ee Xasan Sheekh & Deni oo la isku mari la’yahay.

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxa ka soconaya kulanka u dhaxeeya Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh iyo Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka sababaha u dheeraday ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay in ay adkaatay wax ka qabashada tabashooyin fara badan oo ay ka qabaan madaxda Puntland Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa jiray kulan keli ay ku ahaayeen labada masuul ee Xasan Sheekh iyo Saciid Deni si ay iskula meel dhigaan kuwa hortabinta leh ee xilligan wax laga qaban karo.

Arrimaha deeqaha waxbarashada ayaa qayb ka ah waxyaabaha Puntland ay tabashada ka qabto , iyo baa’binta sharciyo hore ay u meel marisay Dowladdii Madaxwaye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Masuuliyiin ka tirsan , Dowladda Federaalka sida wasiirka arrimaha dibada ayaa la sheegay in loo diiday ka qayb galka kulanka labada dhinac .

Safarka madaxweynaha oo qorshu ahaa inuu Maanta soo gabagaboo ayaa waxaa laga yaabaa inuu qaato waqti dheeri ah maadaama ay wada-hadalada noqdeen kuwa adag.

Leave a Reply

Your email address will not be published.