Garoowe (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Maamulka Puntland oo booqasho ku tagay xarumaha Hay’adda sirdoonka PISA ayaa la sheegay in shaqo joojin uu ku sameeyay Taliyihii Hay’adaas Mukhtaar Maxamed Xasan (Jeyte).
Madaxwaynaha Maamulka Puntland ayaa inta uu booqashadiisa ku jiray waxa uu kulamo xarunta Hay’adda nabad sugida Puntland kula qaatay saraakiisha ciidanka Hay’adaas.
Madaxweyne Deni ayaa ku simaha Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee PISA u magacaabay, Maxamed Nuur Jaamac sida ay sheegayaan ilo- xog -ogaal ah oo ku sugan Puntland.
Madaxweyne Siciid Deni, ayaa si la mid ah shaqada ka joojiyay labada Agaasime ku xigeen ee Hay’adda PISA, Maxamed Casayr Barre iyo Bashiir Siciid Aaden, sida ay caddaynayaan xogaha laga helayo dhinaca Madaxtooyada.
Madaxwaynaha ayaa kula dardaraamay Saraakiisha ciidanka Nabad sugida in ay dar dar galiyaan shaqada ay u hayaan bulshada degaanada maamulka Puntand .
Jeyte oo hadda ku maqan safar dibeda ah ayaa xilkan haya muddo saddex sanno ah, waxaana loo magacaabay 24-kii bishii September ee sanadkii 2019-kii.
Lama oga sababaha keenay in Madaxwaynaha maamulka Puntland uu shaqada ka fariisiyo agaasimaha Hay’adda PISA ee Puntland.
Leave a Reply