Inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha shil-gaari oo ka dhacay Somaliland.

Hargaysa (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo Somaliland ayaa sheegay in halkaas uu ka dhacay shilgaari oo ka dhashay khasaaro u badan dhaawacyo.
Inta la xaqiijiyay laba Ruux ayaa geeriyootay 7 kalena waa ay dhaawacmeen shilkan gaari oo ka dhacay Magaalada Gibileey .

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in shilkan uu dhacay ka dib markii ay isku dhaceen laba gaari oo marayay meel u dhaw bar kantarool.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Giblay ayaa xabsiga dhigay labada wade ee gawaarida shilka galay sida ay xaqiijiyeen dad halkaas ku sugan.

Dhaawacyada ka dhashay shilka gaari ayaa la dhigay isbitaalka wayn ee magaalada Gibilay , halkaas oo lagu dawaynayo.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in qaar ka mid ah 7-da qof ee dhaawac ah xaaladooda ay wanaagsan tahay halka kuwo kalena ay qabaan dhaawac jab ah.

Hay’addaha Nabadgalyadda waddooyinka ayaa uga baaqay wadayaasha gadiidka in ay muujiyaan masuuliyada isla markaana gawaarida ay u kaxeeyaan si quman oo waafaqsan sharciga wadista gadiidka.

Degaanada Somaliland waxa si aad ah ugu badan shilalka gaawirada , waxaan dhawaan ciidanka ilaalada waddooyinka Somaliland ay sheegtay in ay sii kordhayaan dadka ku dhinta shilalka gaari

Leave a Reply

Your email address will not be published.