Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka fuliyay howlgal lagu tilmaamay inuu ahaa midkii ugu adkaa.
Ciidanka ayaa guryo guryo u galayay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho , waxa ayna gabi ahaan ay diideen dhaq-dhaqaaqa dadwaynaha ee xaafadaha qaar.
Dad uu saameeyay xalay howlgaladan ayaa RBC u sheegay in loo diiday in ay u gudbaan guryahooda taas bedelkeena ay seexdeen xaafado qaar.
Dhallinyaro tiro – badan ayay ciidanka ay isugu keeneen waddooyinka qaar ee xaafadaha , Warta- Nabadda, Boondheeere, Yaqshiid , Kaaraan iyo degmooyinka kale sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in ay ku sugaa amaanka xaafadaha magaalada Muqdisho oo si joogta ah uga dhaca falal amni daro oo saameyay dadka Muqdisho.
Saraakiisha ciidanka Dowladda ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada ay ku sugayan amniga caasimada , waxa ayna digniin u direen dadka magaalada ka gaysta falalka amni daro.
Leave a Reply