DF oo xirtay dhammaan mareegyadii Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay dhammaan barihii Internet-ka ee lagu baahin jiray wararka kooxda Al-Shabaab, sida lagu caddeeyey war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala ayaa xaqiijiyay in la xiray oo hawada laga saaray barihii internet-ka ee Al-Shabaab, iyadoo la soo bandhigay liiska.

“Ilaah mahaddiis, barihii ugu waawaynaa ee Khawaarijta ee Warbaahinta waa xiranyihiin, waana socdaa howlgalku, waana dhammaystiraysaa Dawladdu inta dhiman waa ku mahadsanyihiin Shacabka Soomaaliyeed dhiiranaantooda,” ayuu yiri Wasiir Al-Caddaala.

Sidoo kale wasiirka oo shaaciyay Email uu dowladda ku soo ogeysiin karo qofkii arka Page lagu baahiyo been abuurka argagixisada ayaa yiri, “Waxaan si xushmadleh uwaydiisanaynaa Qofkii arka Bar Warbaahineed oo Khawaarijtu ku dhuumanayso in uu nala wadaago, waxaadna nagula wadaagikartaa Info@moi.gov.so. Mahadsanidiin.”

Shirkadaha bixiya internet-ka Soomaaliya ayaa toos loogu wargeliyay inay xayiri karaan oo masu’uliyad ka saaran tahay baraha Al-Shabaab ay ku baahiyaan filimadooda argagaxa leh.

Website-yo muddo dheer baahin jiray wararka Al-Shabaab ayaa hadda hawada laga saaray, kuwaas oo ay ku jiraan Somalimemo, Calamada iyo Alfurqaan.

Sida ku cad amarka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, shirkadaha ayaa laga dalbaday in websityadaas ay xiraan ugu dambeyn Jimcihii shalay, waana hir galay amarkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.