13 sanno ka dib saraakiil ka socoto Q.M oo gaaray Degmada Maxaas.

13 sanno ka dib saraakiil ka socoto Q.M oo gaaray Degmada Maxaas.

Beledwayne (Raxanreeb ) 13 sanno ka dib degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa gaaray wafdi ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobay si ay u qiimeeyaan xaalada degaanka xilligan adag ka jirta.

Xubnaha ka socda Qaramada Midoobay ayaa markii ay gaareen degmada Maxaas oo ay ka taagan tahay xaalad adag waxa ay kormeer ku tageen goobaha ay ku sugan yihiin dadka u baahan gargaarka.

Sidoo kale, wafdiga ayaa qiimeyn ku sameeyay xarumaha dowladda ee ku yaala magaaladaas iyo ceelashii biyaha ee dhawaan ay gubeen kooxaha Al- Shabaab.
Waa Wafdigii ugu horeeyay ee ka socda hey’adaha caalamiga ah iyo saaxibada Soomaaliya ee gaarka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan .

Socdaalka wafdigan ayaa yimid ka kadib markii deeganada ku dhow dhow iyo waddooyinka oo ay go’doomiyeen kooxda Al shabaab.

Roob la’aan deegaannadaasi ka dhacday sanadihii lasoo dhaafay ayaa keentay in dadka iyo duunyadaba ay si weyn u taabato abaarta.

Shan milyan oo qof oo Soomaali ah una dhiganta in ka badan 40% tirada guud ee Soomaalida ayaan haysan cunto ku filan sida lagu sheegay warbixin cusub oo maanta laga soo saaray magaalada Muqdisho, oo ay shaacisay Qaramada Midoobay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.