Maxaa ka socda – maanta deeganka Masaajid Cali Gaduud ee Sh. Dhexe.

Jabuuti (Raxanreeb )  Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti kaga qaybgalaya shir caalami ah oo looga hadli doono  isbedelka cimilada.

Madaxwaynaha ayaa Soomaaliya ayaa  shirkan ka  jeedin doono hadalo u – badan sidii wax loogu qaban lahaa abaaraha  soo noq- noqday oo galaaftay nolosha kumaan ku nool wadamada gobolka.

Inta uu ku sugan yahay Madaxwaynaha Soomaaliya magaalada Jabuuti waxa uu halkaas kula  kulmi doono masuuliyiin uu ka mid  yahay Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waa safarkii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Jabuuti tan iyo markii xilka loo doortay 15ka May ee sanadkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.