“Xijaabkeyga waxaan ku badashay qori AK-47 ah oo hadda deegta ii suran”

“Xijaabkeyga waxaan ku badashay qori AK-47 ah oo hadda deegta ii suran”

Uk (Raxanreeb) — Wargeysyada Britain ayaa sii wada xiisaha ay u qabaan tebinta dhacdooyinka mudaaharaadyada ee Iran, wargeyska “Sunday Times” ayaa daabacay baaritaan ku saabsan baxsashada ardayad jaamacad dhiganaysay oo reer Iran ah taas oo ku biirtay dagaalyahannada gobolka Kurdistan ee Ciraaq.

Waxaan ku bilaabaynaa wargeyska Sunday Times iyo baaritaan ay wariyeheeda Louise Galaghan oo u dhalatay Ciraaq ka sameeysay meel uu dhow xudduudda Iran, halkaas oo ay kula kulantay haween Iiraaniyiin ah oo ka warramay khibradda ay u leeyihiin nidaamkii Iran.

Ciwaanka wargeyka ayaa ahaa “Iran Waan Ka Cararay, Xijaabkaygana waxaan Ku BeddashayKalashnikov,” Galaghan waxa uu daba soctaa sheekada gabadh da’yar oo Iraniyad-Kurdi ah oo dhawaan ka soo gudubtay xuduudka iyada iyo walaasheed oo 10 jir ah kuna biirtay safka hore dagaalyahannada Kurdiyiinta ee Gobolka Kurdistan.

Weriyaha ayaa ka sheekeeysay waaya aragnimada gabadhan 20-jirka ah ee dhiganeysay jaamacadda, iyadoo garwaaqsatay markii ay ka soo gudubtay bartii ugu dambeysay ee ciidanka xadka ay nolosheeda intaas ku xirnayd.

Wariyaha ayaa muuqaal ka duubtay gabadhan yar oo lagu magacaabo Baria Ghaisari, iyadoo saf ugu jirta oo ku sugaysa dadka xuduudka ka gudbaya.

Weriyaha ayaa tilmaamay in mudaaharaadyada looga soo horjeedo dilka “Mahasa Amini” oo ahayd Iraaniyad Kurdi ah ay ahaayeen kuwii ugu xoogganaa ee ka dhaca waqooyi-galbeed ee Iran, halkaasoo ay ku badan yihiin Kurdiyiinta.

Qoraagu waxa uu soo xigtay gabadh yar oo reer Iran ah iyadana oo leh, “Dhammaanteen waxaan nahay Messa Amini, runtii waxaan dareemay in wixii ku dhacay Messa ay nagu dhaceen.”

Caro xoog leh iyo mudaharaadyo ayaa ka dhashay geerida gabar 22 jir aheyd oo lagu magacaabi jiray Mahsa Amini, oo dhimatay kaddib markii ay xireen ciidanka Iiraan ee loo yaqaanno booliska ilaalinta anshaxa.

Dumarka ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo gubayay qamaarrada madaxa la saarto, si ay ugu gacan seyraan sharciga la adkeeyay ee labiska Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo kuwa hirgelinayaba.

Galaghan waxay kula kulantay Baria dhul buuraley ah, halkaas oo ay sidoo kale kula kulantay dumar Iraniyiin ah oo iyaguna ka soo gudbay xadka.

Sida uu qoray wargeyska, “Maalin walba boqollaal qof ayaa ka soo gudba albaabada xudduudaha ee Iran, halka kuwa kalena la tahriibiyo.”

Galaghan waxay sheegtay in Paria ay rabtay in walaasheed ay cararto. Waxay garwaaqsatay, inkasta oo ay toban jir tahay, hadana in “dhawaan lagu qasbi doono inay madaxeeda daboosho ayna ka mid  noqoto haweenka Kurdishka ahi oo sheegtay inay yihiin muwaadiniin heerka saddexaad ah.”

BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.