Dood ka taagan doorashada hoggaanka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta

Muqdisho (Raxanreeb) — Muran iyo dood ayaa ka taagan doorashada hoggaanka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo la filayo inay qabsoonto 28 bishan December. Guddiga Doorashada ee xiriirka ayaa sheegay in hal murashax oo kaliya oo ah kan hadda sida kumeel gaarka ah madaxda uga ah xiriirka kubadda cagta uu soo buuxiyay shuruudihii loo baahnaa, isaga oo kaliyana uu u tartami doono gudoomiyaha xiriirka.

Haseyeeshee murashaxa lagu waday inuu la tartamo ayaa kahor yimid go’aanka guddiga, waxana u uku tilmaamay mid baal marsan xeerarka u dagsan doorashada xiriirka.

BBC-da ayaa wareysatay udoomiyaha guddiga doorashada ee xiriirka kubadda cagta Abukaate Isxaaq Cabdillaahi Xasan,

Wuxuna marka hore weydiiyay sida u uku yimid go’aanka ah in hal murashax oo kaliya uu u tartamo xilka gudoomiyaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.