Galmudug oo war ka soo saartay wasiir ka tirsanaa oo lagu toogtay Muqisho.

Dhuusmareeb (Raxanreeb) Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay umadda Soomaaliyeed iyo reer Galmudug geerida ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Farxiya Cabdi Maxamed oo aheyd Wasiiro dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee Dowladda Galmudug oo caawa kooxda argagaxisada ah khawaarijtu ku dileen Magaalada Muqdishu.

Madaxweynaha, ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada Marxuum Farxiya Cabdi Maxamed, wuxuuna Eebbe uga baryay inuu janadii firdowsa ka waraabiyo Marxuumada, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka iyo qaraabada ay ka baxday.

Innaa Lillaahi wa Inaa Ieyhi Raajicuun.

Laamaha ammaanka Dowladda wali ma aysan bixin wax faah faahin ah oo ku saabsan dilka Marxuumad  Farxiyo Cabdi oo ahayd Wasiiru dowlaha  gadiidka iyo duuliska hawada maamulka Galmudug.

Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan falal amni darro oo saamayn ku yeelatay dadka ku nool magaalada Muqdisho , inkastoo dowladda ay wado dadaal ay kaga hortagayso kooxaha falalka amni darro gaysanaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.