WARCUSUB : Weerar qaraxyo ah oo lagu qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga

Muqdisho (Raxanreeb ) Warar  kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar maanta oo Jimcaha lagu qaaday xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Koox  hubaysan oo la  rumaysan yihiin in ay ka tirsan  yihiin kooxda Al- Shabaab ayaa weerar xooggan ku ekeeyay maanta xarunta Gaashaandhigga oo ku taala wadada Warshadaha ee  magaalada Muqdisho.

Dhawr hubka culus ah ayaa la xaqiijinayaa in  lagu weeraray xarunta sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo halkaas ku sugan.

Xaalada ayaa hadda degan, iyadoo ciidamada dowladu ay xoojiyeen amaanka xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka mid ah heyadaha ugu muhiimsan dowlada

Dowladda Soomaaliay ma aysan faahfaahin weerarka lagu qaaday wasaarada kaas oo ku bilowday qaraxyo is xig xigay sida dadka  ku sugan wasaaradda ay u sheegeen RBC

Lama oga illaa khasaaraha nafeed ee labada dhinac ka soo gaaray iska horimaadka ka dhacay Wasaarada gaashaandhiga Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published.