Kooxda Al- Shabaab oo dilal ka gaystay Beledwayne

Beledwayne (Raxanreeb ) Magaalada Beledwayne ee gobolka  Hiiraan waxaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen dilal inta badan lala eegtay dad rayid ah oo ku nool magaaladaas

Dillalkan oo walaac ku abuuray dadka deegaanka ayaa la sheegay in   magaalada Beledwayne ay ka gaysteen koox ka  tirsan Al- Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ilaa laba qof kooxaha hubaysan ay ku toogteen magaalada Beledwayne ee gobolka  Hiiraan.

Ciidamada Booliska Beledweyne ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgallo baaritaano ah inkastoo aysan gacanta ku dhigin burcadii ka dambeeyay dilkaas.

Maamulka magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay ku raad- joogaan kooxdii fulisay dilalkan ka dhacay gudaha magaalada

Maalmihii la soo dhaafay  magaalada Belewdayne waxa ka dhacay dial qaarkooda lala eegtay dad rayid ah kuwaas oo inta badan la sheegay in ay fuliyeen kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.