Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Talaada ah meelo badan oo Aduunka waxaa loogu dabaal- degayaa maalinta Qaramada Midoobay u aqoonsatay maalinta miinada oo maanta ku beegsan.
Bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya sanadkii tagay 2022-kii ay wayxeello gaarsiisay Miino in ka badan 1,200 (Kun & laba Boqol ) oo qof oo dhimasho ah.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay , in ay ka go’an tahay sidoo wax looga qaban lahaa dhibaatada la xiriira miinooyinka oo la aaminsan yahay in Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha dhibaatada minooyinka ay ka jirto.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in loo baahan yahay in lasoo afjaro halista taagan ee Miinooyinka & haraadiga walxaha qarxa
“Maalintan Caalamiga ah awgeed, waxaan si gaar ah u qiraynaa geesinimada iyo heellanaanta hawl-wadeenada ka shaqeeya miino-saarista iyo sida ay uga go’an tahay abuurista jawi amaan ah oo bed-qaba ‘’ ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay.
Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay sidii loo dardargelin lahaa wacyigelinta Bulshada & dhiirragelinta kooxaha miinooyinka soosaara.
Leave a Reply