Kenya : Ganacsiga Soomaalida oo dib u furmay.

Kenya : Ganacsiga Soomaalida oo dib u furmay.

Nairobi (Raxanreeb ) Dib waxaa loo furay , goobaha ganacsiga xaafada Islii ee magaalada Nairobi ka dib markii ay ku xirmeen rabashadihii maalmahii la soo dhaafay ka jiray dalkaas

Arintan waxa ay ka danbeysay ka dib markii mucaaradka Kenya ee uu hoggaaminayo Raila- Odinga uu sheegay in ay hakiyeen dibadbaxyadii ay kaga soo horjeedeen maamulka haddda jira ee William Ruto.

Soomaalida ganacsiga ku leh magaalada Nairobi ee dalka ayaa maalmahan farta wadnaha ku hayay ka dib markii magaalooyinka dalkaas ay ka bilowdeen dibadbaxyada rabashadaha watay.

Dhibaatooyinka ugu weyn ee laga dhaxlay ayuu Madaxweyne William Ruto sheegay in ay yihiin Amniga Kenya oo Cabsi xooggan laga muujiyay, Isu-socodka Ganacsiga oo Istaagay.

Hoggaamiyaasha qaarada ayaa ku baaqay in wax kasta lagu dhameeyo wada- hadal si looga baaqsado in dadka rayidka waxyeelo ay soo gaarto , maadama dhibaatooyinka inta badan raadad aan wanaagsanayn ay ku yeeshaan rayidka

Si kasta hadda waxaa si caadi ah ku soo laabtay adeegyada muhiimka ah ee dalkaas kuwaas oo saamayn ku yeeshay xaaladahii ka jray dalkaas oo ugu danbeyn lagu guulaystay in la dejiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.