Adis Ababa (Raxanreeb ) Soomaalidii ugu horeysay oo laga soo saaray dagaalka ka socda Suudaan Dowladda Soomaaliya ay u daad- guraysay dalka Itoobiya
War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dadkan ay u badan yihiin kuwa waxbarasho u joogay dalka dagaalada ay ka socdaan ee Suudan.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ilaa hadda 50 ka mid ah ardaydan la geeyay xuduudda Itoobiya, isla markaana ay safaaradda Soomaaliya diyaarisay gaadiidkii ardayda kale looga soo bixin lahaa dalkaas.
Danjire Cabdiraxmaan Diinaari ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya xoogga ay saaray sidii loo soo badbaadin lahaa Soomaalida ku nool dalka Suudaan halkaas oo ay ka dhacayaan dagaalo labo dhinac ah.
Qaar ka mid ah ardayda Soomaalida ah ee sugan caasimadda Khartuum ee dalka Sudan, ayaa hore u sheegay inay dowladda Soomaaliya uga codsadeen inay ka daadgurayso dalkaas
Leave a Reply