Dhuusmareeb(Raxanreeb) Wararka aan ka helayno deegaanka Masgawaa ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay nabadoonno Soomaaliyeed.
Xog ay heshay RBCbauaa sheegaya in nabadoonadooda gurigooda loogu xiray miino , taasna ay keentay dhimashadan waxgaradkan.
Ilaa iyo hadda waxaan helay seddax ka mid ah Nabadoonada lagu dilay maanta Deegaanka Masgawaa ee gobolka Galgaduud halkaas oo weerar ay ku qaadeen Al- Shabab.
01- Nabddoon Ismaan Macalin
02-Nabaddoon Ibraahim Maxamed
03- Nabddoon Cabdulle Geeljir
Waxgaradkan ayaa shalay Geel guddoonsiiyay ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al- Shabaab.
Kooxda Al- Shabaab oo weerar ku soo qaaday Deegaanka Masgawaa ee ay ku sugnayeen ciidanka Dowladda ayaa la rumaysan yahay in dilkan ay ka danbeeyaan.
Leave a Reply