Ololaha Geelle ee xal u helida dagaalka Sudan & wararkii ugu danbeeyay

Ololaha Geelle ee xal u helida dagaalka Sudan & wararkii ugu danbeeyay

London(Raxanreeb)Madaxwaynaha Jabuuti ayaa magaalada kulan la qaatay Ra’iisulwasaaraha dalka Ingiriiska oo ay k wada- hadleen xaalada ka aloosan dalka Suudan oo Jabhado ay isku hayaan.

Labada masuul ee Jabuuti iyo London ee Ismael Omar Geelle iyo Rishi Sunak ayaa isla soo qaaday halka ay marayaan dadaalada IGAD ee la xiriira dagaalka Sudan oo dad badan ay ku dhinteen.

Labada Hoggaamiye ayaa si wadajir ah u sheegay sida muhiim ay u tahay in la joojiyo dagaalka wax kastana lagu dhameeyo wada- hadalka bedelkii la dagaalami lahaa.

In la joojiyo dagaalka si loo ilaaliyo rayidka ayay sheegeen in ay tahay muhiimada kowaad isla markaana loo dhega nuglaado baaqyada caalamka ah ee joojinta xabada.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa kamid ah saddex madaxweyne oo ka tirsan Urur Goboleedka IGAD oo loo xilsaaray in ay dhexdheediyaan ciidanka ku dagaalamaya Sudan.

Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo dalal kale ayaa xoojinaya xabbad joojin saddex maalmood ah oo lagu xusayo ciidaha Muslimiinta ee Ciidul Fidriga.

RSF waxa ay sheegtay in ay ogolaatay xabbad joojin 72 saacadood ah sababo la xidhiidha xaalad bini’aadantinimo. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka dhanka kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.