Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan ayaa kulan la qaaday Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ee xafiiska sii banaynaya Larry André
Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loogu adkaan lahaa kooxda Al- Shabaab oo dagaal uu kaga furan yahay deegaano badan oo gobolka Hiiraan ah.
Safiir Larry André ayaa bogaadiyay dadaalada maamulka gobolka Hiiraan ee la xiriira dagaalka Al- Shabaab iyo xasilinta deegaanada dhamaan laga saaray kooxda Al- Shabaab.
Sidoo kale danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay dagaal beeleed maalmo kahor ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo sababay dhimashada 5 qof.
Mr. Jayte ayaa uga mahad celiyay safiirka taageerada Mareykanka ee ku aaddan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Hirshabeelle.
Guddoomiye Jeyte ayaa ku amaanay safiirka xilka ka degaya kaalmada Mareykanka oo isugu jirta hub, saanad iyo taageero dhanka cirka ah oo ay uga qeyb qaateen howlgalka.
Cali Jeyte Cusmaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaana door weyn ka qaatay dagaalka gobolka Hiiraan looga saaray Al Shabaab, waxa uuna hadda mar kale hoggaaminayaa wajiga labaad howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro guud ahaan gobolka.
Leave a Reply