FAALLO : Xasan & Xamse oo Burbur & dagaal u saadaalinaya Puntland

FAALLO : Xasan & Xamse oo Burbur & dagaal u saadaalinaya Puntland

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya oo  jirtay sanad maalmo ka dhiman ayaa waxaa ay la kowsatay khilaafaad sababay in madaxda fagaarayaasha ay isugu jawaabaan , taas oo lagu tilmaamay mid  xaaladda ugu sii dari karta sida hadda ay tahay.

Masuuliyiinta Dowladda  Federaalka ee Muqdisho ku sugan waxaa ka soo butaacaya hadallo lagu tilmaamay in ay yihiin kuwo la yaab leh, loona fasiran karo niyad-xumo

Dowlad goboleedka  Puntland ayaa la sheegaa in xilligan aysan ka jirin dhibaatooyin muuqda  haddii ay jiraan ay yihiin kuwo loogu gudbi karo miiska wada- hadalka iyo in dhinacyada  iska qanciyaan , Geediga halka lagu furayo.

Waa soo jireen aan wali laga gudbin xilliga xukuumad jjrta waqtigu ka dhammaanayo in xoogaa la’isku riix riixo  isla markaana eedeymaha ay noqdaan kuwo cirka isku shareeraha hase ahaatee waxa ay isugu  biyo shubtaan ‘’XALAY DHALAY ‘’

‘’Xasan iyo Xamse in ay fagaare la soo istaagaaan Puntland ayaa burbureysa, gubaneysa, la’isku dileyaa xilli muddo xileedka xukuumadda jirta ku dhawaad sanad u harsan yahay ma cadawtinimo iyo niyad-xumo ka weyn ayaa jirta ‘’ sidaas waxaa qaba dadka siyaasada gorfeeya ee isha ku haya sida hadda wax u socdaan.

Labada masuul ee Xasan iyo Xamse ayaa  bixinayo sadaal  hubinti la’aan ah oo sheegaysa in  Puntland ay burburayso , dagaal uu ka dhacayo taasna waxa ay ku riixday Puntland in ay  hurdada ka kacdo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni waqti ayaa u haray, waxaa uu rabaa in uu isku dayo doorasho dadweyne oo ilaa iyo hadda gole deegaan ku kooban, kadibna waxa la yeeli doono waa mid quseysa saamileyda siyaadadeed ee Puntland,  sida caadiga ahaydna waxa ay ku dhammaan doorasho la’isla ogol yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.